Philippe Coutinho oo looga gacan haatinayo dalka Taliyaaniga

0
220

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Kubbad sameeyaha kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa xagaagii saddexaad oo xiriir ah wajahaya hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalkiisa iyo halka uu ka ciyaari doono fasalka xiga.

Sida laga soo xiganayo warsidaha kasoo baxa Spain ee Sport, laacibka reer Brazil ayaa haatan xiiso ka helaya kooxdiisii hore ee Inter Milan taasoo dooneysa inay gacanta ku dhigto saxiixiisa xagaagan.

Balse warsidaha ayaa intaas ka daraya inay difaacdayaasha Scudetto doonayaan kaliya inay Coutinho ku qaataan amaah hal xilli ciyaareed ah oo lagu daray doorasho ay ku iibsan karaan marka uu dhammaado heshiiska amaahda ah.

Waxaa intaas dheer, naadiga Nerazzzuri ayaa ka dalbaneysa kubbad sameeyahan inuu dhimo mushaharkiisa si loo fududeeyo dhaqan galka heshiiska uu ugu wareegayo horyaalka Serie A kooxda ka ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, 29-jirkan ayaa xubin laga maarmaan ah ka noqday kooxda ku ciyaarta Camp Nou, waxaana uu ku jiraa xiddigaha la filayo inay xagaagan Barcelona fasaxdo.

Philippe Coutinho ayaa Inter Milan usoo ciyaaray intii u dhexeysay 2008 illaa 2013 inkastoo uu amaahyo kala duwan ugu soo ciyaaray kooxaha Vasco da Gama iyo Espanyol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.