Xaqiiqooynka Kulankii Arsenal Iyo Chelsea

0
36

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa xalay xasuuqday kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Goolal ay dhaliyeen Trossard , Havertz (2) iyo Ben White ayaa Arsenal ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah.

Hadaba Halkan kaga bogo XAQIIQOOYINKA Laga diwaan galiyay kulanka.

Arsenal ayaa guusheedii ugu waynayd ka gaadhay Chelsea tartamada oo dhan abid (5-0).

Guuldaradii maanta ayaa ah tii ugu cusleyd ee Chelsea kasoo gaarta guud ahaan kulamada London Derby tan iyo guuldaradii 6-0 ay ka soo gaartay Queens Park Rangers bishii March 1986dii.

Guusha Arsenal ee maanta ayaa soo afjartay rikoorka guuldaro la’aanta Chelsea 8-dii kulan ee ugu dambeeyay (4-guul iyo 4-bar-baro), waana rikoorkii ugu dheeraa tan iyo intii u dhaxeysay January iyo March 2021 (10 kulan).

Arsenal ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka England Premier League oo ay wajahday Chelsea (6 guul, 2 barbaro ah, iyo 1 guuldaro).

Arsenal ayaa halkeeda ka sii waday guulihii xidhiidhka ahayd ee ay kala kulantay Chelsea, waxayna soo gaadhay kulankii shanaad, waana rekoodhkii ugu dheeraa ee ay Gunners wajahdo Blues tan iyo intii u dhaxaysay 1995 ilaa 2005, kaas oo socday 19 kulan oo xidhiidh ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.