Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay degmooyin ka mid ah Galgaduud

0
22

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa xalay 116,5 tan oo raashiin kala duwan ah u dirtay Ceeldheer iyo Masaggawaay oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Waaxda gargaarka ee hay’adda SoDMA, Sahra Cali Yuusuf oo sagootisay shixnadda gargaarka ah ayaa deeqada raashinka ah ku wareejisay Wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casayr iyo guddoomiyaha degmada Ceeldheer, waxayna xustay in sii wadi doonaan kaalmada ay halkaasi geynayaan.

Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.