Kooxda Juventus oo ka shaqeynaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd Weeraryahanka PSG ee Mauro Icardi

0
334

Turin(Idaacadda Waamo)-Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka shaqeynaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd Mauro Icardi, iyadoo weliba doonaysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto.

Warsidaha Corriere Della Sera ayaa warinaya in Kooxda Juventus ay ka shaqeynayso oo ay isku dayayso sidii ay ula soo saxiixan lahayd Weeraryahanka Naadiga Paris Saint-Germain ee Mauro Icardi.

Bianconeri ayaa sidoo kale doonaysa inay ikhtiyaar u yeelato inay si toos ah u iibsato 28-sano jirkaan xagaaga soo socda haddii heshiiska uu dhaco, iyadoo aan wax dhibaato ah la kulmin.

Icardi ayaa hoos uga dhacay xulashada safka hore ee kooxda PSG, haatanna kuma sii jirto oo waxaa yimid Lionel Messi, kaasoo si xor ah ugu saxiixay kooxda reer France kaddib markii uu ka tagay Barcelona horraantii xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.