Miyey Jadon Sancho iyo Raphael Varane ku soo bilaaban doonaan kulanka maanta ee Man United?

0
299

Manchester(Idaacadda Waamo)-Waxaa la is-weydiinayaa su’aasha ah in Jadon Sancho iyo Raphael Varane ay ku soo bilaaban doonaan kulanka maanta ee Man United ay booqanayso Wolves.

Macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyey in Jadon Sancho iyo Raphael Varane ay heli karaan ku bilaabashadoodii ugu horreysay ee safka hore kulanka ay Manchester United boqanayso naadiga Wolves maqribnimada maanta ee ku tirsan horyaalka Premier League.

Man United ayaa Sancho bishii July kula soo wareegtay 73 milyan oo gini oo u dhiganta 100 milyan oo dollar, waxaana ay ka soo qaateen Borussia Dortmund, halka Daafacii hore ee Real Madrid, Varane ay kula soo wareegeen 40 milyan oo gini oo u dhiganta 50 milyan oo dollar, labada ciyaaryahan ayaana la arki karaa iyagoo si wadajir ah ugu ciyaaraya maanta naadiga Red Devils.

“Raphael iyo Jadon labadooduba waxoogaa dib-u-dhac ah ayay ku bilaabeen isu-diyaarinta xilli ciyaareedka, iyagoo uu xanuunsanaa Jadon isla markaana waxayna sugayeen fiisaha iyo karantiilnka uu ku jiray Rapha, laakiin si fiican ayay tababar u qaateen toddobaadkan,” ayuu Tababaraha Norway u sheegay MUTV.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan inay  u badan tahay in Jadon Sancho iyo Raphael Varane ay maanta ku soo wada bilaaban karaan safka hore ee Manchester United kulanka ay ka horjeedaan Wolves ee horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.