Kooxda Flamengo oo Gaartay Finalka Koobka Club World Cup-ka

0
348

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Brazil ee Flamengo ayaa Soo Gaartay Finalka Koobka Club World Cup-ka Xilli Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaareen Kooxda Reer Saudi ee Al Hilal Kulan ayaa Ka Dhacay Garoonka Dalka Qadar ee Ku yaalo Caasimada Doha ee Khalifa International Stadium.

Al Hilal ayaa Si Wacan Ku Bilaabatay Qaybtii Hore ee Ciyaarta iyaga oo Gool La Hormaray  Waliba Dhalin Karay Goolal Badan Marka La eego Qaab Ciyaareedka ay Soo Bandhigeen.

Laakiin Kooxda Flamengo ee Dalka Brazil Ka Dhisan ayaa Qaybtii Dambe Dar-dar Kusoo Gashay ciyaarta iyaga oo Kooxda Al Hilal ay Ka Dhaliyeen 3 Gool Kana Gaareen Guul  Muhiim ah Oo Finalka Tartanka Club World Cup Ku Gaareen.

Flamengo Guusha Ay Gaartay ayaa Ka Caawisay in ay Gaarto Finalka Tartanka Club World Cup-ka iyaga oo Midkood La Ciyaari Doona Kooxaha  Liverpool ama Monterrey Kuwaas oo Food Is Dari Doona Isla Caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here