Barcelona Oo Ku Dhawaaqday In Uu Ka Tagay Jean Clair-Todibo

0
384

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxaha Barcelona iyo Schalke 04 ayaa Ka Heshiiyey Daafaca Jean Clair-Todibo inuu amaah ilaa iyo Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan ugu Wareego Kooxda Reer Jarmalka Kuwaasoo Bixinayo Lacag Gaareysa 1.5 Milayn Euro.

Kooxda Schalke 04 ayaa Bixin Doona Mushaharka Ciyaaryahanka, Waxaana Qiyaar ay u Leedahay Inay Xagaagan Kula Wareegaan 25 Milyan Euro oo Kaash ah iyo 5 Milyan Euro oo Ku Xiran Qaab Ciyaareedka Ciyaaryahanka.

Jean-Clair Todibo ayaa Shan Kulan u Ciyaaray Barcelona Tan iyo Markii uu Bishii Janaayo ee 2019 Kusoo Biiray.

Xidigan ayaa Kulankiisii ugu Horeysay u Saftay 15-kii April ee Sannadkii Lasoo Dhaafay ee 2019 iyadoo ay aheyd Kulan ay Horyaal ah oo ay La Ciyaarayeen Kooxda Huesca, Wuxuuna Barcelona Sidoo Kale u Dheelay Koobka Champions League.

Image

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here