Man United oo Doonayso Saxiixa Michael Olise.

0
24

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay Crystal Palace siiso fursad ay dib ula soo saxiixato Aaron Wan-Bissaka taasoo qeyb ka ah heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Michael Olise.

Mustaqbalka Olise ee Crystal Palace ayaa si weyn loo hadal hayaa iyada oo ay kooxo badan doonayaan saxiixiisa kana mid tahay chelsea oo doonaysa saxiixa xiddiga.

Chelsea ayaa isku dayday saxiixa xiddiga xagaagaii laakiin xiddiga 22 jirka ah ayaa iska sii joogay kooxda Crystal Palace isaga oo heshiis cusub ku duugay qalinka.

Sida laga soo xigtay ESPN, Crystal Palace ayaa heshiiska Olise Ku dartay lacag 50 milayn oo lagu bur-burin karo heshiiska.

Red Devils ayaa la filayaa in ayna ka qayb gali doonin Champions League xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed waxa ay saamayn ku yeelan doontaa lacagta la galin doono suuqa.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso qorshe ay ku heli karto saxiixa xiddiga wacdaraha ka dhigaya Palace ee Olise.

Kooxda Red Devils ayaa diyaar u ah in ay Crystal Palace u soo bandhigto saxiixa xiddiga Aaron Wan-Bissaka si ay u hesho iyaguna saxiixa xiddiga Olise.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.