Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah gaarsisay barakacayaasha ku nool kaamamka Gaalkacyo

0
9
default
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Mahamuud Moallim Abdulle oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Galmudug Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa waxa ay booqasho u kuurgalid ah ku tageen Kaamamka Barakacayaasha ee ku yaal duleedka magaalada, iyaga oo qoysaska ku nool ka xogwareysanaya xaladaha ay ku nool yihiin.
Guddoomiyaha iyo masuuliyiintaan ayaa lug ku maray kaamamkaan iyaga oo si gaar ah u xogwareysanayo bulshada dantayar, waxaana dhanka kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, waxa ay boqolaal qoys gargaar ugu qaybisay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.