HORDHAC: Arsenal v Chelsea

0
160

Arsenal ayaa caawa Emirates Stadium ku qaabili doonta dhigeeda ay magaalada London wada degaan ee Chelsea xilli ay labada kooxood xaalado kala durugsan ku jiraan.

Arsenal oo badi xilli ciyaareedka hoggaanka soo haysay ayaa doonaysa guul ay caawa si kumeel-gaadh ah ugu sii qabato hoggaanka halka Blues ay fadhiyaan booska 12-aad oo ay waliba Bournemouth farqiga goolasha kaga hayaan.

Wararka Labada Kooxood

Arsenal ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub qabin balse waxa wali maqnaan doona William Saliba, Takehiro Tomiyasu iyo Mohamed Elneny.

Rob Holding ayaa la filayaa inuu booskiisa daafaca dhexe sii haysto isagoo ka garab ciyaaraya Ben White, Gabriel iyo Zinchenko.

Partey, Odegaard iyo Xhaka ayaa markale khadka dhexe kusoo wada bilaaban kara halka ay macquul tahay in Trossard booska kala baxo Jesus oo weerarka kala ciyaaro Saka iyo Martinelli.

Dhinaca Chelsea waxa maqnaan doona Mason Mount iyo Reece James oo aan la filayn inay xilli ciyaareedkan dib u ciyaaraan, Koulibaly iyo Cucurella ayaa iyaguna seegaya ciyaartan.

Chalobah ayaa lagu wadaa inuu daafaca midig kusoo bilawdo isagoo la dhammaystiraya safka daafaca Fofana, Silva iyo Chilwell.

Kante, Fernandez iyo Kovacic ayaa markale khadka dhexe ku midoobi kara halka Aubameyang kasoo hormari karo Felix isagoo weerarka kala muuqanaya Mudryk iyo Sterling.

Shaxaha Macquulka Ah

Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Holding, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Partey, Xhaka; Saka, Trossard, Martinelli

Chelsea (4-3-3): Kepa; Chalobah, Fofana, Silva, Chilwell; Kante, Fernandez Kovacic; Sterling, Aubameyang, Mudryk

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Robert Jones

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.