Puntland oo lagu wareejiyay qalab looga hortaggo Coronavirus

0
276

Garowe(Idaacadda Waamo)Wasaaradda caafimaadka  Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah Covid19.

Agaasimaha guud Wsaaradda Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah Agaasimayaasha waaxyaha ayaa kala wareegay qalabka, waxaana agaasimaha uu uga mahadceliyay hay’adda World Vision qalabkaan loo baahnaa ee ay maanta ukeeneen.

Qalabka maanta la wareejiyay ayaa ka kooban Gloves Mask iyo qalabka nadaafada xarumaha baaritaanka iyo karantiilka, qalabkaan ayaa loogu talagalay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa.

Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay Dowlad Goboleedyada laga diiwaangeliyay kiisaska la xiriira Coronavirus,waxaana Maalin walbalaga helaa kiisas cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.