Zidane Oo Gaaray Rikoor uu Dhigay Tababare Molowny .

0
392

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kaliya Dhowr Tababare ayaa Ka Badan Tababare Zinedine Zidane Dhanka Hogaaminta Real Madrid ee Horyaalka La Liga.

Kadib Kulankii ay Kooxda Real Madrid Guusha Ka Gaaray Kooxda Espanyol Tabaabraha Reer France ayaa Kooxda Hogaamiyay Kulankiisii 122 isaga oo Bar-bareeyay Tabaabrihii Hore ee Luis Molowny.

Molowny ayaa guul gaadhay 74 Kulan Halka uu Bar-baro Galay 23 Kulan Lana Kulmay 12 Guuldaro Sidoo Kale ay Kooxdiisu Dhalisay 251 Gool Lagana Dhaliyay 134.

Zidane ayaa Haatan Hogaamiyay Real Madrid Kulankiisii 122 ee La Liga Waxana uu Guul Gaaray 82 Kulan Halka uu Bar-baro galay 24 Sidoo kale Guuldaro La Kulmay 15 Guuldaro Halka ay Kooxdiisu Dhalisay 309 iyaga oo Laga Dhaliyay Kaliya 126 Gool.

Zinedine Zidane ayaa Kaliya Ka Horeeya Tababarayaasha Leo Beenhakker (139 kulan), Vicente del Bosque (153 Kulan) Iyo Miguel Munoz (424 Kulan).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here