Yaa Ku Horeeya Baacsiga Da`yarka Joao Felix, Xittaa Ronaldo Ayaa Qal-qaaladiisa Ku Jira.

0
491

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxaha Man United iyo Man City ayaa u muuqda kuwo baacsigii ay ugu jireen da`yarka Benfica ee Joao Felix u waynaya kooxda Real Madrid ee horyaalka Spain .

Labadaas koox ee horyaalka Ingiriiska ayaa horay u muujiyay xiisaha ay u qabaan qadkaas dhexe weerar kaasi oo xilli ciyaareedkaan u dhaliyay kooxdiisa 10 Gool oo Horyaalka Portugal halka afar kalana u sameeyay .

United iyo City ayaa dhowr jeer Daawaday laacibkaas waliba rabitaankooda ayay muujiyeen balse haatan wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Real Madrid ay haatan tahay kooxda ku xooggan baacsiga 19-sano jirkaas .

Qiimaha lacagaeed ee da`yarkaan ayaa haatan lagu qiyaasayaa 105 Milyan oo euro balse Benfica oo damacsan in ay hishiis cusub ka saxiixdaan ka hor xagaaga waxa uu qiimihiisa suuqa gaarayaa 130 milyan euro .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in kooxda Juventus iyana ay doonayaan saxiixa laacibkaas waxa ayna qal qaalidiisa u marayaan Ronaldo maadaama ay Portugal isla yihiin , sidaas oo ay tahay ma jirto koox illaa haatan carboowday qiimaha ay ku doonayaan Felix.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here