Xulka Qaranka England Oo Xasuuqay Xulka Bulgaria

0
460

Kismaayo (Waamo Radio) Kulan Dhawr Jeer Loo Joojiyay Hadalo Cunsurinimo ah oo ay Taageerayaasha Bulgaria Kula Kaceen Xiddigaha Xulka Qaranka England ayuu Xulka England Guul Weyn Ka Gaaray Dhigiisa Bulgaria Kulan Ka Tirsanaa is Reeb-reebka Tartanka Euro 2020.

Xulka England oo ay ka Go,nayd in ay Ku Soo Laabtan Wadada Guulaha Kadib Guuldaradii Kulankii Hore ayaa Si Dar-dar Leh Ku Bilowday Ciyaarta.

Daqiiqadii 7-aad ayuu Xiddiga Marcus Rashford u Dhaliyay Goolka 1-aad ee Ciyaarta isaga oo Xulkiisa Hogaanka u Dhiibay Kana Dhigay Ciyaarta 1/0.

Xulka England ayaa sii Waday Dadaalkooda iyaga oo uu Daqiiqadii 20-aad uU Gool Dhaliyay Ross Barkely Kaas oo Hogaanka u sii Dheereeyay Xulkiisa Kana Dhigay Ciyaarta 2/0.

Daqiiqadii 32-aad ayuu  Mar Kale Soo Laabtay Xiddiga Ross Barkley Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 3/0 .

Ka Hor Dhamaadkii Qaybtii Hore ee Ciyaarta Daqiiqadii 45-aad ayuu Xulka Qaranka England Dhaliyay Goolkii 4-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Xiddiga Kooxda Man City ee Raheem Sterling Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 4/0.

Waxa 4-0 Kusoo Dhamaatay ciyaarta oo uu Xulka England Si Qurux badan Ku Hogaaminayo Ciyaarta Laakiin Laba Jeer ayaa Ciyaarta La joojiyay Sababo la xiriira Cunsurinimo ay Taageerasha Xulka Qaranka Bulgaria Kula Kaceen Xiddigaha Madow ee Xulka Qaranka England.

Qaybtii Dambe ee ciyaarta ayuu xulka England sii waday ku raaxaysiga ciyaarta iyaga oo raadinayay goolal kale si Ay Guul Weyn Uga Gaaraan Xulka Qaranka Bulgaria .

Daqiiqadii 69-aad ayay Dhaliyeen Goolka 5-aad iyaga oo uu u Dhaliyay Xiddiga Kooxda Man City ee Raheem Sterling Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 5/0.

Daqiiqadii 85-aad Kabtan Harry Kane ayaa Soo Gabagabeeyey Kulanka  Wuxuuna Dhaliyey Goolka 6-aad ee Ciyaarta Sidaas ayeyna Nus-darsinka Goolal ah ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/0.

Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Ciyaartii uu Xulka England Ku Gaaray Guul Ka Caawisay in ay Talaabo u Qaadaan u Soo Bixista is reeb-reebka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here