Xulalka Ilaa Haatan U Soo Baxay Tartanka Euro 2020

0
352

Kismaayo (Waamo Radio) Waxa meel xiiso iyo xamaasad leh maraya is reeb-reebka tartanka Euro 2020 ee sanadka dambe iyada oo ay xulalka kala duwan sii goosanayaan tigidhkooda tartanka bilaaban doona sanadka dambe.

Xulka Poland ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee iska xaadiriya wareega Group-yada tartanka kadib markii ay guusha ka gaadheen xulka North Macedonia kulan ka dhacay dalkooda.

Waxa tartanka Euro 2020 ilaa haatan iska xaadiriyay 4 xul kuwaas oo ku dhamaystay kaalinta 1-aad ama Kaalinta 2-aad ee Group-kooda iyaga oo wakhti horeba gaadhay tartanka Eruo-da.

Xulka Belguim ayaa sidoo kale ah xulka iska xaadiriyay wareega Group-yada tartanka Euro 2020 si la mid ah xulka Russia oo la Group ah xulka Belguim ayaa iska xaadiriyay tartanka.

Ugu dambayn xulka Italy ayaa ah xulka 4-aad ee noqday xulka sida Rasmiga ah ugu soo baxay tartanka Euro 2020 ee sanaka dambe.

  1. Belguim
  2. Russia
  3. Italy
  4. Poland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here