Xidigo Muhiim Ah oo Ay Iska Iloobeen Xulalkooda

0
361

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxaa Jiro Xidigo Muhiim ah Oo Aan Looga Yeerin Xulalkooda Inkastoo Xiddigaha ugu Fiican adduunku Ka Qayb Galayaan Kulamada Xulalkooda Hadana H Iloobin Iney Jiraa Xiddigo Heer Caalami ah oo ay Xulalkoodu iska indha-tiran Sanadihii ugu Dambaysay.

Xiddigaas Markaad Maqasho Waxaa  isla Markaaba Maskaxdaada Kusoo Dhacayo Xidigaha  Kala ah, Karim Benzema, Alexandre Lacazette, Koke, Cesar Azpilicueta, Marcelo, David Luiz, Mats Hummels, Jerome Boateng & Thomas Muller, Mauro Icardi.

Dhamaan Xidigahaan Ayaa Looga Yeerin Xulalkooda Sida , Franca, Spain, Brazil, Garmany, Argentina , Sababo Kala Duwan Ayaa Loogu Yeeri Waayey Xidigan.

Xiddiga Karim Benzema Xulka qarankiisa umuusan ciyaarin tan ilaa dhacdadii dhex martay isaga iyo Xidiga Mathieu Valbuena inkasta oo uu Xiddigu u Dhaliyay Xulkiisa 27 gool 81 kulan oo uu Usaftay.

Xulka qaranka France ayaa sidoo kale iska indha tiray Xiddiga Weerarka uga Ciyaara Arsenal ee Alexandre Lacazette Kaas oo aan u Ciyaarin Xulkiisa Tan ilaa November 14, 2017.

Xulka Spain ayaa Dhankiisa iska indha-Tiray Xiddiga Koke kaas oo aan u Ciyaarin Xulka La Roja tan ilaa October 11, 2018.

Kabtanka Kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta oo Xulka Qaranka Spain u Ciyaaray 25 Kulan ayaan Xulka Qarankiisa u ciyaarin tan ilaa November 18, 2018,

Daafaca Real Madrid ee Marcelo oo 58 kulan u Saftay Xulka Qarankiisa Brazil ayaan u Ciyaarin Xulka Brazil Tan ilaa July 6, 2018.

Dhanka kale daafaca kooxda Arsenal ee David Luiz ayaan dhankiisa u ciyaarin xulka qaranka Brazil tan ilaa November 2018.

Xulka Qaranka Germany ayaa Dhankiisa iska iloobay Xiddigo Heer Caalami ah Sida, Mats Hummels, Jerome Boateng & Thomas Muller

Halka xulka Belguim aanu u yeerin Xiddiga Radja Nainggolan Tan ilaa March 27, 2018.

Kulankii ugu Dambeeyay ee uu Mauro Icardi u ciyaaro xulka Qaranka Argentina ayaa ahaa October 11, 2017 iyada oo aan Dib Loogu yeerin Tan ilaa November 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here