Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland oo agab isboortis gaar siisay dhalinyarada deegaanka Cabdala-Biroole

0
264
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wafdi u hogaaminayo agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaara Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa gaaray deegaanka Cabdala-Biroole oo 55 kiilo mitir u jirta magaalada Kismaayo.
Waxa ayna gaar siiyeen agab isboortis oo loogu tala galay dhalinyarada deegaanka
mid ka mid ah dhalinyarada la gaar siiyey agabka isboortiska ayaa ka waramay sida ay ugu farax san yihiin in la gudoon siiyo agab ciyaareed.
Dhanka kale agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradda ay ka warqabi doonto dhalinyarada deegaanka Cabdala-Biroole ayna wax badan ka qaban doonto baahiyaha dhalinyarada.Booqashada agaasimaha dhalinyarada ayaa aheyd mid loogu kuur galayey xaalada dhalinyarada guud ee ku nool deegaanka Cabdalala -Biroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here