Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Garsoorka iyo arimaha Diinta Dowlad Goboledka Jubbaland Maxamed Cumar Yuusuf iyo masuliyiin kale ayaa kormeeray qaar kamid ah goobaha lagu barto Quraanka Kariimka Ee ku yaala Magaalada Kismaayo.
Kormeerkan Ayaa ahaa mid loogu kuur galayay Sida ay u Shaqeeyaan xarumaha Dugsi Qur,aanka iyo in ay ogaadaan Caqabadaha kajira goobahasi .
Wasiirka ayaa Kormeerka kadib ka warbixiyay qaabka ay ushaqeeyan xarumaha ay tageen iyo Caqabadaha kajira.
Xarumaha lagu barto Diinta waxa ay kamid yihiin meelaha ugu mudnaanta badan in Latago lana ogaado bahiya dhabta ah ee kajira.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.