Wasaaradda Caafimaadka oo soo saartay xog ka soo saartay Dhacdadii Shalay ee Muqdisho

0
462

Muqdisho(Idaacada Waamo)Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay warbixin ku saabsan khasaaraha Guud ee ka dhashay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

  • Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148
  • Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132
  • Tirada isbitaallada laga saaray: 16
  • Tirada guud ee dhimatay: 79
  • Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51
  • Waxaa dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof
  • Waxaa socota dib u qiimeynta intii hartay si dalka Qadar loogu qaado
  • Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii
  • Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka
  • Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin
  • Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad
  • Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here