Warka Subaxnimo Radio Waamo Ee Magaalada Kismaayo

0
599
Carruurta Ku Nool Magaalada Kismaayo ee Ku Shaqeeysata Xirfada Caseeyaha Ama Baalashlaha oo Aan Helin Wax Barasho Ku Filan
Carruurta Dan yarta Ah oo Ku nool dalka Soomaliya Ayaa Qaarkood Waxa ay ku Shaqeystaan Xirfada baalashlaha ama caseeyaha Taasi oo ay ku Mareeyaan noloshooda iyo Qoysaskooda
Carruutan ayaan helin Wax barasho ku filan waxaana ay yihiin kuwa mar walbo u shaqeeya Reerkooda  iyagoona lagu arko goobaha maqaayadaha iyo suuqyada ay bulshada isugu yimaadaan   waxaan booqanay goobaha ay carruurtaasi kabaha ku caseeyaan ee magaalada kismaayo si aan wax badan ugu ogaano xaalada dhabta ah ey ku nool yihin caruurtaasi waxayna inoo sheegeen in dan iyo daruuf ku qasabtay in ay kabaha baalashaan.
sidoo kale waxaa inoo suura gashay in Aan booqono  qaar ka mid ah carrutan caseeyayaasha ah hoyga ay waalidiintoda ka dagan yihiin magaalada kismaayo waxayna waaridkood  qaarkood inoo sheegen in ay jacel yihiin waxbarashada caruurtooda Lakiin aysan haysan lacag ay wax ku bartaan
ugu dambeentii Walidiinta dhalay Carruuntan Balashlaha ah ayaa Codsanaya in garab lagu siiyo Wax barashada Caruurtooda Dada’yar oo Hami u Haayo In ay mar Un wax ubartaan
Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyey xeerka Nootaayada Jubbaland
Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo yeeshay Fadhigii 65-aad ee kalfadhiga afaraad ayaa waxaa soo xaadiray 43 Xildhibaan, waxaana lagu ansixinayay xeerka nootaayada Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Kulankaan oo uu shir gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Baaley Xuseen ayaa mudanayaashii ka qayb galay waxa ay si wayn uga doodeen xeerka Nootaayada Jubbaland iyo sida ugu muhiimsan ee ku noqon karo xeer dhamaystiran.
Doodda kaddib Xildhibaanadu cod gacantaag ah ayey ku ansixiyeen xeerkaan oo ay horay u helay kalsoonida golaha wasiirada Jubbaland.
Kulanka markuu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha guddiga Habdhowrka Baarlamanka Jubbaland Mudane Bashiir Maxamed Baahale, wuxuuna sheegay in sharcigaan uu ka gudbay Baarlamaanka hadda kadibna lagu dhaqmi doono.
Baarlamaanka Puntland oo meel mariyey Talo-soojeedin ku aadan Hirgelin Doorasho QOF & COD
Golaha wakiilada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Ansixinta ayaa timid kadib markii xildhibaanada golaha wakiiladu ay warbixin ka dhegaysteen guddi loo saaray in ay soo darsaan qabadaha Puntland ka hor taagan qabsoomidda doorashada axsaabta badan oo ka dhacda Puntland.
7 xubnood oo uu ka koobnaa Guddiga ayaa darsay isla markaana u kuur-galay asbaabaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho hal qof iyo hal cod ah waxaana warbixin kadib ay soo jeediyeen in guddigii doorashooyinka ku meel-gaarka ahaa ee Puntland (TPEC) ay sii wadaan shaqada laguna taageero dhaqaalihii ay ku howlgalin lahaayeen doorashada golayaasha degaanka ee Puntland.
Intii uu socday kulanka Baarlamaanka xildhibaannada ayaa soo jeediyay in xukuumaddu ay la timaaddo qorshe cad oo ku qotoma qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Puntland.
Dood dheer kadib Xildhibaanada golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey tala-soo jeedinta guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqo howleedka guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland (TPEC).
48 mudane oo soo xaadiray fadhiga waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay.
Gudoomiyaha golaha waakiilada Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ugu dambeyn kulanka ka sheegay in uu ansax yahay qorshahan talo soojeedinta ah ee la xiriira hirgelinta nimaadka doorasho ee ku dhisan Axsaabta badan.
Wadatashiyada Diyaarinta Istaraatiijiyadda Hannaanka Nafaqada Dalka oo Lasoo Gebagebeeyay
Tubta arrimaha bulshada iyo wasaaraha Beeraha, kaluumaysiga iyo xannaanada xoolaha ayaa soo gebagebeeyay wadatashiyada bulshada Soomaaliyeed lagala yeelanayay samaynta istaraatiijiyadda hannaanka nafaqada dalka.
Istaraatiijiyaddaan hannaanka nafaqada dalka oo hoggaanka fulinteeda uu leeyahy xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogu tala galay in mudda shan sano ah dalka looga ilaaliyo nafaqa darrada, dhammaan dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah ku shaqeeyaan iyada oo la raacayo himilooyinka tubta arrimaha bulshada.
Barnaamijka dardar-gelinta Cunada caafimadka iyo koriimaha leh ee Soomaaliya (Scaling up Nutrition, SUN) oo kamid ah barnaamijyada hoos taga xafiiska ra’iisul Wasaaraha, mas’uulna ka ah horumarinta siyaasadda qaran iyo istaraatiijiyadda amniga cunnada iyo nafaqada, ayaa diyaarinta istaraatiijiyaddaan iyo isku xirka dhammaan dhicyada ku lugta leh waxa uu geliyay waqti dheer si loogu diyaar garoobo qorshihii ummadda Soomaaliyeed looga bad-baadin lahaa nafaqo darro.
Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo ka hadlay kulankii lagu soo gebagebeynayay wadatashiyada ayaa sheegay in Soomaalida oo dhan ay waajib ku tahay qorshaha nafaqa darrada looga cirirb tirayo guud ahaan dalka.
Istaraatiijiyadda hannaanka nafaqada dalka ee wadatashiyadii bulshada lagala sameynayay lasoo gebagebeeyay, ayaa la hor-geynayaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan looguna saleeyo qorshaha shanta sano ee sare u qaadidda heerka nafaqada dalka.
Warka Caalamka
Donald Trump oo la xaqiijiyey in uu caafimaad qabo
Dhakhtarka Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, kadib markii lagu sameeyey baadhitaan caafimaad oo qaatay muddo afar saacadood ah.
Sean Conley ayaa intaas raaciyey: ” Waxaan filayaa in uu sidaas iyo si ka sii wanaagsan ahaan doono inta uu xilka hayo iyo wixii ka dambeeyaba”
Dr Conley iyo 11 kale oo xeeldheereyaal caafimaad ah ayaa madaxweynaha marsiiyey baadhitaano xiriir ah xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Washington.
Mr Trump, oo 72 jir ah ayaa horay looga dalbaday in uu iska dhimo 4.5kg oo miisaan ah mana jirto caddayn muujinaysa in uu sidaas sameeyey.
Sida lagasoo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters, kaaliyeyaasha aqalka Cad ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu haatan cuno kalluun xad dhaaf ah oo aan horay looga baran.
Hase ahaatee sida laga soo xigtay Afhayeen katirsan Aqalka Cad oo lagu magacaabo, Hogan Gidley, waxaa uu sheegay in Mr Trump uu qirtay in aanu raacin hab nololeedka cuntooyinka loogu tala galay iyo in aanu samayn jimicsigii loo qorsheeyey.
Majirto faahfaahin intaas dheer oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha.
Baadhitaankii guud ee ugu horreeyey ee lagu sameeyey intii uu xilka hayey, ee dhacay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in miisaankiisu uu yahay 108kg iyo in uu jiro xanuunka cholesterol-ka lagu magacaabo oo ka sarreeya intii lagu taliyey.
Mr Trump ayaa horay u qaadan jiray daawooyin la xiriira caafimaadka wadnaha iyo kuwo loo isticmaalo ka hortagga cholesterol-ka.

Jirka Mr Trump ayaa muujinaya miisaan xad dhaaf ah hase ahaatee maahan Cayil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here