Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga

0
505

Kooxaha Yurub ayaa si weyn isagu diyaarinaya xilli ciyaareedka soo socda iyadoo durbaba ay isku dayayaan inay heshiisyo la gaaraan xiddigaha ay u baahan yihiin xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga halka kuwa kale ay weli ku jiraan inay indha indheeyaan xiddigaha ay doonayaan.

Manchester United ayaa xiiseyneysa xiddiga khadka dhexe ee Everton Idrissa Gueye oo 29 jir ah iyadoo kooxda Everton ay ku dooneyso xiddiga reer Senegal 40 milyan ginni. (Mail on Sunday)

Bayern Munich ayaa weli xiiseyneysa xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska ee kooxda Chelsea 18 jirka garabka ka ciyaara Callum Hudson-Odoi. (Bild)

Mesut Ozil ayaan ka tagi doonin Arenal xagaagan, waxaana uu xiddiga Jarmalka sii joogi doonaa Gunners ilaa dhamaadka qandaraaskiisa. (Sunday Mirror)

Kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan ee Nice ayaa xiiseyneysa inay la wareegto weeraryahanka Chelsea 32 jirka Olivier Giroud xagaagan sida uu sheegay agaasimaha farsamada kooxda Gilles Grimandi. (Canal Football Club)

Pep Guardiola ayaa u xaqiijiyay Manchester City inuusan qorsheyneynin inuu ka isaga tago shaqada tababarenimo ee kooxda waxaana uu u sheegay inuu la joogayo ugu yaraan muddo labo sannadood ah, waxaana uu warkaan soo baxayaa xilli lala xiriirinayay Juventus xagaagan. (Sunday Express)

Everton ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona oo ku aadan sidii ay heshiis joogta ah u a la wareegi laheyd xididga khadka dhexe ee ay amaahda ku heystaan Andre Gomes. (Liverpool Echo)

Waxaa si rasmi ah u burburay xiriirkii u dhaxeeyay weeraryahanka Real Madrid Gareth Bale iyo tababare Zinedine Zidane taasoo la micno ah in xiddiga reer Wales uusan mustaqbal ku laheyd Santiago Bernabeu. (AS)

Inter Milan ayaa ku dhow inay 50 milyan euro kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Barcelona 31 jirka Ivan Rakitic. (Goal)

Barcelona ayaa ku dhawaaneysa saxiixa daafaca Ajax Matthijs de Ligt oo 19 jir ah, waxaa ay sidoo kale xiiseynayaan saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin 22 jirka Donny van de Beek. (Mundo Deportivo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here