Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
399

Kismaayo (Waamo Radio) Suuqa kala iibsiga haatan Waa Mid Aan furnayn iyada oo Kooxuhu Suuqa Kor Kala Socdaan Sugayo inta suuqa ka Furmaayo

Kooxaha ayaa isku Diyaarinaya Suuqa Janaury ee Sanadka Cusub oo ay inaga Xigaan Bilo Yar iyaga oo Wakhtigaas La Saxiixan Kara Xiddigaha ay Doonayaan.

(El Desmarque) Kooxda Reer Spain ee Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay 86 milyan oo euro iyo Waliba Xiddiga James Rodriguez Ku Dalbato Xiddiga Khadka Dhexe ee N’Golo Kante .

(Star) Fabio Paratici Agaasimaha Kooxda Juventus ayaa Ka Hadlay in uu Cristiano Ronaldo Ka Tagi Doonin Kooxda Juventus isaga oo Sheegay In uu Ciyaaryahanka Ku Faraxsanyahay Kooxda Turin Ka Dhisan ee Juventus.

(Marca) Xidiga Kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa Diyaar u ah in uu Ka Tago Kooxda barcelona kuna biiro Kooxaha Italia ee Juventus ama Inter Milan Suuqa Soo Socdo .

(Express) Kooxda Tottenham ayaa la Xiriirtay Tababaraha Reer Portugal ee Jose Mourinho Xilli Shaki uu Ku jiro Mustaqbalka Tababare Mauricio Pochettino .

(Tuttosport) Kooxda Reer Italia ee Inter Milan ayaa Doonaysa inay Kor u qaado Qiimaha Lagu Bur-burin Karo Heshiiska Xiddiga Lautaro Martinez Xilli   Ay Soo Baxeen Kooxo Badan Oo Adeegiisa Doonayo .

(Tuttosport).Kooxda Man United ayaa Wadahadalo Rasmi ah Kula Jirta Tababarihii Hore ee Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri Xilli uu Mugdi Galay Tababaraha Iminka Maamulo Kooxda .

(Don Balon) Kooxda Real Madrid ayaa Ka Fiirsanaysa in ay 69 Milyan oo euro Ku Dalbato Xiddiga Wacdaraha Ka Dhigaya Kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here