UEFA Waxay Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Is Reeb-Reebka Euro 2020,

0
515

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiriirka UEFA ayaa  Soo Saartay Shaxda ugu Fiican Kulamadii La Ciyaaray is Reeb-reebka Euro 2020 Kuwaas oo Si Rasmi ah u Dhamaaday Bartamihii Bishaan Si Dhamaaneysa.

Waxaa Lasoo Ciyaaray Ilaa 10 Kulan oo is Reeb-reeb ah Kuwaas oo La Ciyaaray Muddo Dhawr Bilood ah iyada oo ay Xiddigaha Ka Qayb Galay Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed Aad u Fiican.

Haddabo Xulalka Holland Iyo England ayaa Ku Leh Shaxda Min Laba Ciyaartooy Halka Xulalka Portugal, Turkey, Israel, Iceland Iyo Ukrine ay Ku Leeyihiin Min Hal Ciyaartooy.

Shaxdan ayaa Lala yaabay Ka Dib Markii Wax Ciyaaryahan ah Loogu Soo Dari Waayay Xulka Italy oo aan Wax Guuldaro ah La Kulmin Xitaa aan Bar-baro Galin 10-kii Kulan ee La Ciyaaray is Reeb-reebka Euro 2020.

Dhanka Kale Waxaan Wax Xidig ah Ku Yeelanin Xulalka Sida, Belgium , France Kuwaas Oo Tartanka Si Wacan U ciyaaray Belgium Waa Xulkii Ugu Horeeyey ee Kasoo Baxo is Reeb-reebka Euro 2020.

Sidoo kale Waxaa Shaxda Ka Maqan Kabtanka Xulka Qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo Kaas oo Laftiisu Qaab Ciyaareed Heer Sare ah Soo Bandhigay .Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here