Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Sii Xoogaysanaya

0
596

Kismaayo(Waamo Radio) Tartanka Gool dhalinta Premier League ayaa maraya meel xiiso Leh iyada oo horyaalku ku dhaw yahay in uu dhamado todobaadyo aad u yarna inaga xigaan dhamaadka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku soo laabtay hogaanka gool dhalinta kadib markii uu Chelsea ka dhaliyay gool kulankii ay Reds garaacday Blues.

Xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa la goolal ah Mohamed Salah laakiin xiddiga reer Argentine ayaan wax gool ah dhalin kulamadii ugu dambeeyay ee Premier League.

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa dhankiisa dhaliyay gool isaga oo ku jira kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda chelsea.

Raheem Sterling oo laba gool ka dhaliyay kooxda Crystal Palace ayaa ku soo biiray xiddigaha 17-ka gool leh isaga oo kula biiray xiddigo badan oo leh goolashaas.

Kala Sareynta Gool Dhalinta Horyaalka Premier League Dalka England 

Mohamed Salah: 19

Sergio Aguero: 19

Sadio Mane: 18

Rahee Sterling: 17

Pierre-Emerick Aubameyang: 17

Harry Kane: 17

Eden Hazard: 16m

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here