Tababaraha Chalsea Oo Xaqiijiyay  In 5 Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Caawa 

0
398

Kismaayo (Waamo Radio) Tababare ee Frank Lampard ayaa Xaqiijiyey In 5 xiddig oo kooxdiisa ah ay Dhaawac ku seegi doona kulanka Caawa ee Valencia oo ah Kulankooda ugu Horeeya ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Tababare  Lampard ayaa ka Dhawaajiyey Iney Seegi Doonaan Xiddigaha Kala ah , Antonio Rudiger, Reece James, Callum Hudson-Odoi & Emerson Palmieri  kulanka Valencia

“Antonio Wuu Dhaawacan yahay, waxa uu raaxo la,aan ka dareemayaa Canqawga Waxaana uu ku ciyaarayay wakhtigii ugu dambeeyay sidaas darteed wuu seegayaa kulanka Valencia”.

Xidiga Antonio Rudiger ayaa 45 Daqiiqo ee Ciyaaray Kulankii Isbuucaan ee Chalsea Iyo Wolves halka ay sidoo kale xiddigaha Reece James, Callum Hudson-Odoi & Emerson Palmieri seegeen kulankaas. Si kasta ha aahatee xiddigahaas ayaa Dhamaantood Seegaya Kulanka Chalsea Iyo Valencia ee Tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here