Shaxda Kooxda Sannadka Afrika Ee FIFPro Africa XI Oo La Soo Saaray 

0
540

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxaa Lasoo Saaray Shaxda Kooxda Sannadka Afrika ee FIFA Pro iyadoo ay u Badan yihiin Xiddigaha Premier League Ka Ciyaarya, Liverpool ayaana ah Kooxda Xiddigaha ugu badan ku leh.

Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Joel Matip ayaa Liverpool uga Soo Muuqday Shaxda Kooxda Sannadka ee ay Soo Saartay FIFPro ee Xaflada abaalmarinta ee Xiriirka Kubada Cagta Afrika.

Dhanka Goolhayaha Waxaa Kasoo Baxay Goolhayaha Kooxda Ajax Andre Onana Halka afarta Daafac ay Kusoo Baxeen Xiddiga Serge Aurier (Tottenham ) ,Joel Matip(Liverpool ) , Kalidou Koulibaly (Napoli ) , Achraf Hakimi (Morocco ).

Dhanka Khadka Dhexe Waxaa isugu yimid Xiddigaha ,Idrissa Gueye (PSG ) , Hakim Ziyech (Ajax) , Riyad Mahrez (Man City).

Dhanka Weerarka waxaa Kasoo Muuqday seddexda Xiddig ee Ku Wada Guuleystay Gooldhalinta Premier League Xilli Ciyaareedkii Tagey , Sadio Mane (Liverpool), Mohamed Salah (Liverpool) iyo Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here