Sergio Ramos Oo Bar-Bareeyay Rikoodh uu Hore U Dhigay Ikar Casillas Ee Xulka Spain

0
442

Kismaayo (Waamo Radio) Kabtanka Xulka Qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa rikoodh Taariikhi ah u dhigay Xulka Qaranka Spain Kadib Markii uu ku bilowday Shaxda Xulka Spain ee Kulanka Faroe Islands oo ah kulan ka tirsan kulamada is reeb-reebka koobka Euro 2020.

Daafaca Mayalka Adag ee kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa saftay kulankii 167 ee Xulka Qaranka Spain isaga oo bar-bareeyay kabtankii hore ee Xulka qaranka Spain ee Iker Casillas Dhanka Safashada

Rikoodhkan ayay xiddigo badan oo xulka Qaranka Spain ah kula dabaal dageen kabtankooda ka hor kulanka Faroe Islands kadib markii uu xulka guul ku hogaamiyay todobaadkii hore.

Xiddiga reer Spain ee Sergio Ramos ayaa dhaafi kara rikoodhkaas kulamada uu u ciyaari doono xulkiisa ee soo socda hadii ayna dhaawacyo ka hor istaagin ama uuna tababaruhu ka reebin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here