(SAWIRO) Man United Oo Guul Dirqi Ah  Ka Gaartay Kooxda Partizan Beograd

0
523

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Manchester United ayaa Guul Dirqi ah kala Soo Laabatay Dalka Serbia Kadib Markii ay Guul Kasoo Gaareen Kooxda Partizan Beograd Kulankaas oo Ka Tirsanaa Kulankii 3-aad ee Wareega Group-yada Tartanka Europa League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Kulanka Kusoo Galay Shax isku Dhaf ah oo ay Xiddigo Da,yar ah ku jiraan isaga oo Kaydka Dhigay Xiddigo Waaweyn oo Kooxda.

Ma United ayaa Ciyaarta Ku Bilaabatay Si Qurux Badan iyaga oo Kooxda Reer Serbia ee Partizan Beograd Ku Qaadayay Weeraro ay Ku Doonayeen in ay Ku Dhaliyaan Goolka ay Ciyaarta Hogaanka ugu Qabanayaan.

Waxay Man United Goolka Raadisaba Daqiiqadii 43-aad ayay Heshay Rikoore iyaga oo uu Gool u Badalay Xiddiga Reer France Anthony Martial Hogaankana u Dhiibay Kooxdiisa.

Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Qaybtii Hore ee Ciyaarta oo ay Man United 1/0 Ku Hogaaminayso Laakiin Kulanku ahaa Mid adag oo ay Labada Kooxoodba Si adag u Difaacdeen.

Qaybtii Dambe ee Ciyaarta ayaa la odhan karaa waxa kaliya ciyaaraysay kooxda Partizan Beograd kuwaas oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn halka ay United ku jireen daafac sidoo kale qaadayeen weeraro rogaal celis ah.

Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Ciyaarta oo ay Man United Serbia Kala Soo Laabatay Guul ay Kusoo Rafaaday.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here