Sanad Guuradadii koowaad ee Idaacada Waamo oo loo dabaal degay kismaayo.

0
497

Kismaayo(Idaacada Waamo)Idaacada waamo ee Magaalada kismaayo ayaa u dabaal degtay Sanad guuradeedii koowaad waxaana kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Kismaayo waxaa kamid ahaa Masluuyiin ka socotay Hay,ddaha dowlada Goboleedka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale dadka inagala soo qayb galay kamid ahaa Maamulada Idaacada Ka jira Degaanada Jubbalanad gaara ahaan kismaayo waxaana ay dhamaantood bogaadiyeen Sanada guurada koowaadeena.

waxaa sharaf wayn noo ah haddaan nahay Bahda Waamo Radio in aan u dabaal dagno sannad Guurada aas-aas ka Idaacadda Waamo waxayna noogu soo dhammaatay si wanaagsan Sidoo kale waxaan umahad celinaynaa Mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii nagala soo qayb gashay farxadda iyo dabaal daga.
waxaan allah ka rajeyneynaa in aan si nabad ah kusii wada joogno sanado kale waxaan idiin soo Gudbin donaa warar iyo Barnaamij kala duwan oo xiisa leh.

R/W,Abdi Ahmed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here