RIKOOR: Jose Mourinho Oo Rikoor Ka Dhigay Champions League

0
371

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa isku Qoray Taariikhda Tartanka yurub Champions League Kadib Markii uu Kulankii ugu Horeeyay ee Champions League Hogaamiyay Kooxda Tottenham.

Tababare Jose Mourinho ayaa Noqday Tababarihii ugu Horeeyay ee 3 Kooxood oo England ah Hogaamiya Tartanka Champions League Kadib Markii uu Hogaamiyay Tottenham Kulankii ugu Horeeyay ee Tartanka yurub Champions League.

Jose Mourinho ayaa Horay u Hogaamiyay Kooxaha Chelsea iyo Man United iyada oo Tottenham Noqotay Kooxdii 3-aad ee uu Ku Hogaamiyo Tartanka yurub Champions League.

Sidaas Tababare Mourinho ayaa Noqday Tababarihii ugu Horeeyay ee 3 Koox oo Premier League ah Hogaamiya Tartanka Champions League.

Tababare Jose Mourinho ayaa Xalay Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogaamiyay Kooxdiisa kulankii ay La Ciyaaraysay Kooxda Ka Dhisan Horyaalka Dalka France ee Olympiacos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here