Rikoor :- Arsenal Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Oo Ay 22 Sano Ka Hor Dhigtay

0
394

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Landan ee Arsenal ayaa Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Kadib Bar-barihii Niyad Jabka ahaa ee ay Lasoo Gashay Kooxda Southampton Kulankaas oo Ka Tirsanaa Todobaadkii 13-aad ee Horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa Ka Badbaaday Guuldaro Xanuun Badan oo ay Kala soo Kulanta Kooxda Southampton Kadib Markii ay Ku Qabteen Bar-baro 2/2 ah Kulan oo Ka Dhacay Garoonka Kooxda Arsenal ee Emirates.

Kooxda Arsenal Barbarahaas Waxaa Ka Caawiyey Xidiga Reer France Alexandre Lacazette Kaas oo Labo Gool U Dhaliyey Walibo Goolkii Barbaraha wuxuu Udhaliyey Daqiiqadii 90

Kadib Bar-barahaas Kooxda Arsenal ayaa Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun oo ay Tartamada oo Dhan Ka Dhigtay Sanadkii 1998 Kaas oo ah in ayna Wax Guul ah Gaarin 6-dii Kulan ee ugu Dambeeyay Markii ugu Horaysay Tan iyo 1998 .

Arsenal ayaa Haatan Ku Jirta Kaalinta 7-aad ee Kala Saraynta iyaga oo Leh 18 Dhibood Kadib Bar-barihii Kulankii Xalay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here