Riek Machar oo loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenka South Sudan

0
356

Jubba-(Idaacadda Waamo)-Hoggaamiyihi hore ee fallaagada South Sudan ayaa maanta loo dhaariyey jagada madaxweyne ku xigeenka koobaad ee dalka Suudaan.

Munaasabadda Machar lagu dhaariyey ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada dalka South Sudan ee ku yaalla magaalada Jubba.

Munaasabadda Macahar xilka looga dhaariyey waxaa goob joog u ahaa Madaxweyne Salvakir iyo Madaxa goalaha madaxa bannaan ee Sudan Abdel Fatah Al-Burhan.

Seddex madaxweyne ku xigeen oo kale oo uu yeelanayo dalka South Sudan ayaa sida oo kale lagu dhaariyey.

Madaxweyne ku xigeennada seddexda ee la dhaarinayana waxaa ka mid ah xaaski madaxweynihi hore John Garang ee Rebeca Garang.

Madaxweynenku xigeenka kalana wuxuu ka imanayaa isnbahaysiga xulafada mucaaradka ee isbahaysatay balse weli xulafada iskuma waafaqin cidda ay xilkasi u dhiiban lahaayeen.

Madaxweyne Salava Kir oo ayaa Mr Machar u magacaabay jagada madaxweyne ku xigeenka si loo meel mariyo heshiiska nabadeed ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeya ee dalka South Sudan ka taagnaa 6 sano, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof, malaayiinna ay ku barakaceen.

Waxaa sida oo kale la filayaa in lagu dhawaaqo gole wasiirro oo ka kooban dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Heshiiska dowlad awood qaybsi ku dhisan in lagu dhiso looga tala galay wuxuu noqday mid la yaab leh isla-markaana in mudda lagu jahawareersanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here