RASMI: Xiddigii Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Bishii December Ee Premier League Oo La Shaaciyey

0
476

Kismaayo(Idaacada Waamo) Ciyaaryahanka Daafaca Midig uga Ciyaara Kooxda Liverpool ee Alexander-Arnold ayaa Ku Guulaystay Xiddigii ugu Fiicnaa Bishii December ee La soo Dhaafay ee Horyaalka Premier League.

Xidiga Arnold ayaa Bishii Lasoo Dhaafay Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Cajiib ah isaga oo Dhaliyay Gool Sidoo Kale Caawiye Ka Noqday 3 Gool oo Kale Kana Caawiyay Kooxdiisa in ay 3 Kulan Shabaqa ilaashato.

Waxa intaas Sii Dheer in ay Xiddigo Liverpool ah Ku Guulaysteen abaalmarinta Bishii 2-aad oo Xidhiidh ah Kadib Markii uu Mane Bishii Hore Ku Guulaystay abaalmarinta.

Alexander-Arnold ayaa Abaalmarinta Kaga Adkaaday Xiddigaha Kala Ah , Emiliano Buendia, Dominic Calvert-Lewin, Kevin De Bruyne, Ben Foster, Danny Ings, Adama Traore Iyo Jamie Vardy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here