RASMI: Tottenham Oo Ku Dhawaaqday In Ay Shaqada Ka Cayrisay Tababaraheeda 

0
310

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Kubada Cagta ee Tottenham ayaa Xaqiijisay in ay Si Rasmi ah Shaqada uga Cayrisay Tababare Mauricio Pochettino Kaas oo isaga Tagay Kooxda Tottenham Spurs.

Shaqo ka Cayrinta Tababaraha Reer Argentina ayaa Timid Kadib Markii ay Kooxdu ay La Kulantay Natiijooyin Xun Horyaalka Premier League Dalka England Xilli Ciyaareedkan iyaga oo Ku Jira Kaalinta 14-aad ee Kala Sareynta Horyaalka Premier League.

Maamulka Kooxda ayaa Go’aansaday in ay Shaqada Ka Cayriyaan Tababare Mauricio Pochettino. Tababarahan ayaa shaqadiisa Waayay inkasta oo uu Kooxda Tottenham Markii ugu Horaysay ee Taariikhdeeda Geeyay Finalka Koobka yurub ee Champions League.

Kooxda Tottenham ayaa Kaliya badisay 3 Kulan oo Ka Mid ah 12 Kulan oo ay Ciyaartay Horyaalka Premier League iyaga oo 4 Kulan Guul Daro La Kulantay Halka 5 kalena bar-baro Gashay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here