RASMI: Tottenham Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horaysay Ee Suuqa January.

0
398

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tottenham ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay in ay Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Khadka Dhexe ee Gedson Fernandes Kaas oo ay Kala Soo Wareegeen Kooxda Reer Portugal ee Benfica.

Tottenham ayaa Gedson Fernandes Ka Saxiixatay Heshiis 2 Sano oo amaah ah Kahor inta uusan Si Toos ah ugu Wareegin Marka uu Dhamaysto Heshiiskiisa.

Xidiga Gedson Fernandes ayaa Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee Kooxda Tottenham Bishan January iyaga oo ay Heshiiskiisa Ku Garaacay Kooxaha West Ham iyo Chelsea Kuwaas oo Doonayay Saxiixa Xiddiga Gedson.

Gedson Fernandes Markii Lagu Dhawaaqay Heshiiskiisa. Wuxuu Sheegay “Waa Riyo Weyn oo Run ii Noqotay, Waxa aan Imid Koox Weyn”

Xidigan Da’yarka ah ee 21 Sano Jirka  ayaa Maanta Ku Baasay Tijaabada Caafimaad ee Kooxdiisa Cusub ee Tottenham.Image

Gedson Fernandes ayaa Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee uu Tababare Jose Mourinho Sameeyo Tan iyo Markii uu Noqday Tababaraha Cusub ee Kooxda Tottenham.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here