RASMI: Sadio Mane Oo Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Liverpool Ee Bisha March Ku Guuleystay

0
424

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee ee Sadio Mane ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican bisha March ee kooxda Liverpool kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga No.10 ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa kadib 5 gool oo uu dhaliyay 5-tii kulan ee uu ciyaaray Bishii la soo dhaafay ee March isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay u tartanto horyaalka iyo champions League.

Sadio Mane ayaa 5 gool ku dhaliyay 7 maalmood gudohood isaga oo min laba gool ka dhaliyay kooxda Bayern Munich iyo Burnley ka hor inta uuna gool ka dhalin kooxda Fulham.

Xiddiga reer Senegal ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk kuwaas oo sidoo kale u tartamayay abaalmarinta xiddiga ugu fiican bisha ee Liverpool.

Mane ayaa markii 2-aad ku guulaystay Sanadkaan abaalmarinta xiddiga ugu fiican Liverpool kadib markii uu bishii January ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Liverpool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo Liiska xiddigaha ku guulaystay abaalmarinta Liverpool:

August: Virgil van Dijk  September: Daniel Sturridge  October: Mohamed Salah

November: Trent Alexander-Arnold December: Mohamed Salah  January: Sadio Mane

February: Virgil van Dijk     March: Sadio Mane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here