RASMI: S Mane Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Ugu Fiican Qaarada Africa 2019

0
467

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddiga Xulka Qaranka Senegal iyo Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa Loo Caleemo Saaray Xiddiga ugu Fiican Qaarada Africa Sanadka 2019 Kadib Xilli Ciyaareed Cajiib ah oo uu Soo Qaatay Sanadkii Dhamaaday ee 2019.

S Mane ayaa Ku Guulaystay Gool Dhalintii Horyaalka Prmeier League Xilli Ciyaareedkii Hore isaga oo Sidoo kale Door Muhiim ah Ka Qaatay Ku Guulaysigii Liverpool ee Koobabka Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa Sidoo Kale Xulka Qarankiisa Senegal la Gaaray Finalka Koobka Qaarada Africa ee Sanadkii iyaga oo u Guuldaro Kala Kulmay Xulka Algeria.

Sadio Mane ayaa Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Africa Ku Garaacay Xiddiga ay isku Kooxda yihiin ee Mohamed Salah & Xiddiga Xulka Qaranka Algeria Iyo Kooxda Man City ee Riyad Mahrez.

Sadio Mane ayaa abaalmarintan Ku Muteystay 63 Kulan uu U Ciyaaray Kooxda Liverpool Wuxuun U Dhaliyay 35 Gool Halka uu Sidoo Kale Caawiye Ka Noqday 11 Gool oo kale.

Image

Image
Sidoo Kale Waxaa Lagu Dhawaaqay Xidigta Ugu Fiican Qaarada Africa ee Dumar Waxaana La Siiyey Xidigta Xulka Qaranka Nigeria iyo Kooxda Barcelona ee Asisat Oshoala.
Image
Iyo Goolkii Ugu Fiicnaa Qaadarada Africa Waxaana Lasiiyey Xidiga Koobka Africa Ku Guuleystay ee Riyad Mehrez Waana Goolkii Semi-Final-kii uu Ka Dhaliyey Xulka Nigeria .
Iyo Tababarihii Ugu Fiicnaa Qaadara Africa Waxaana Ku Guuleystay Tababaraha Ku Guuleysta Koobkii Qaaarada Africa ee Hogaaminaayey Xulka Algeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here