RASMI : Matthijs De Ligt Oo Ku Guuleystay Da`yarkii Ugu Fiicnaa Dunida Ee Xilli Ciyaareedkjii Hore

0
381

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xidiga Daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt ayaa Ku Guuleystay  Da`yarkii ugu Fiicnaa Dunida ee Xilli ciyaareedkii Hore .

Matthijs Le Ligt ayaa Abaalmarinta Ku Muteystay Kooxda Ajax ayuu Kula Guuleystay  Laba Koob Halka Semi-Finalka Champions League uu Gaarsiiyey , Wuxuuna Hadda u Ciyaaraa Kooxda Dalka Italy ee Juventus

Sidoo kale Matthijs Le Ligt ayaa Xulka Qarankiisa Holland La Gaadhay Finalka Tartanka UEFA Nations League Halkaas oo ay Guuldaro Kala Kulmeen Xulka Portugal.

Xidiga Matthijs Le Ligt ayaa Abaalmarinta Ku Garaacay Xiddigaha Moise Kean (Juventus), Joao Felxi (Atlético Madrid) Jadon Sancho (Borussia Dortmund), Chukwueze (Villarreal), Kang-in Lee (Valencia), Vinicius Jonior (Real Madrid), Kai Havertz (Bayer Leverkusen), Guendouzi (Arsenal) iyo Andrei Lounine ().

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here