RASMI: Kooxda Inter Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xidiga Ashley Young

0
580

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Talyaani ee Inter Milan ayaa si Rasmi ah ugu Dhawaaqday Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Qabiirka ah ee Ashley Young Kaas oo ay Kala Soo Wareegeen Kooxda Manchester United.

Inter Milan ayaa Bogeeda Ku Xaqiijisay in ay Si Rasmi ah ula Soo Saxiixatay Xidiga Ashley Young Kaas oo Qalinka Ku Duugay Heshiiska uu ugu Biiray Kooxda Italia.

Kooxda Inter Milan ayaa 34 Jirkan Ka Saxiixatay heshiis ilaa Xagaaga 2020 ah iyo Walibo Hal Sano oo Dookh u ah in Lagu Daro Heshiiska.

Inter ayaan Xaqiijin Qiimaha ay Kasoo Bixisay Ashley Young Laakiin Wararka ayaa Sheegaya in ay Inter Kasoo Bixisay Lacag Dhan 1.3 Milyan Euro.

Xiddiga Khabiirka ah Ashley Young ayaa Soo afjaray Muddo 9 sano ah oo uu Joogay Jooxda Man United Kulana Guulaystay Koobab Badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here