RASMI: Isku Aadka Wareega Group-yada Koobka Qaarada Africa Oo La Soo Saaray

0
833

Kismaayo(Waamo Radio) Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka koobka qaarada Africa ee Egypt 2019 kaas oo ay isku aadkiisu haatan si Rasmi ah u soo afjarmay iyada oo ay ka soo bexeen Group-yo aad u adag.

Xulka Marti galinaya Koobka ee Egypt ayaa ku soo baxay Group-ka A isaga oo aan ku aadin Group aad u adag isaga oo ku dhacay xulalka DR Congo, Uganada iyo Zimbabwe.

Xulka Kenya ayaa ku dhacay Group-ka dhimashada kadib markii uu La Group noqday xulalka Senegal, Algeria iyo Tanzania kaas oo la odhan karo waa Group si aad ah u adag.

Xulka Difaacanaya koobka qaarada Africa ee Cameroon ayaa laftiisu ku aaday Group adag isaga oo Group-ka F kula dhacay Ghana, Benini iyo Guinea-Bissau.

Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Oo Dhamaystira:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here