RASMI: Isku Aadka Tartanka Supercopa de Espana Noociisa Cusub Oo La Soo Saaray

0
341

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxaa Lasoo Saaray Isku Aadka Tartanka Koobka Supercopa de Espana Walibo Isaga oo Qaab Cusub ah Walibo Meel Ka baxsan Spain Lagu Soo Ciyaari Doono

Semi-Finalka Tartanka Supercopa de Espana Noociisa cusub ee Lagu Qaban Doono Dalka Saudi Arabia Bisha January ee 2020.

Real Madrid ayaa Waxay Ku Aaday Kooxda Valencia Halka ay Kooxda Barcelona Fooda Is Dari Dooonaan Kooxda Atletico Madrid

Xiddiga Matalaya Isku Aadka Kooxahaan Waxaa Ka Mid Ah (Real Madrid), Kabtanka Sergio Ramos , (Barcelona) Xidiga Qadka Dhexe Sergio Busquets, (Atletico Madrid) Xidiga Qadka Dhexe Saul Niguez, (Valencia) Xidiga Daafaca Jose Luis Gaya,

Real Madrid Iyo Valencia Ayaa Ciyaari Doonta 8 Bisha January Halka Kooxda Barcelona Iyo Atletico Madrid Ayaa Ciyaari Doonta 9 Bisha January, Kulanka Finalka Tartanka Supercopa de Espana Ayaa La Ciyaari Doono 12 January 2020.

Dhamaan Kulamada ayaa Lagu Ciyaari Doonaa Garoonka King Abdullah Sports City Kuna yaala Caasimada Jeddah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here