RASMI :- Isku Aadka Semi-Finalka Carabao Cup-ka Oo La Soo Saaray

0
395

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiriirka ELF ayaa Soo Saaray isku aadka Semi-Finalka Tartanka Caraboa cup-ka Kadib Markii La Dhamaystiray Wareegii Quarter-Finalka Tartanka Xilli Ciyaareedkan.

Kooxaha Soo Gudbay ayaa Kala Ahaa ,Man United, Man City, Leicester Iyo Aston Villa, Semi-Finalka Tartanka Carabao Cup iyaga oo Ku Dagaalami doona koobka tartanka xilli ciyaareedkna.

Kulamada Lugta 1-aad ee Tartanka Semi-Finalka ayaa La Dheeli Doonaa 6-da January  Halka Lugta 2-aad la Dheeli Doono 27-da January.

Kulanka ugu Dambeeya ee Finalka ayaa La Ciyaari Doonaa Maalinka Sabtida oo ay ku Beegan Tahay 1-da March ee sanadka 2020 kulankaas oo ka dhici doona Wembley .

Labada Manchester ayaa isku Soo Baxay isku aadka Semi-Finalka iyada oo Man United Soo Dhaweyn Doonta kooxda Man City

Halkan Kaga Bogo Isku Aadka Tartanka :

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here