RASMI: Daafaca Juventus Ee Andrea Barzagli Oo Xaqiijiyey Inuu Ka Fadhiisanayo Ciyaaraha Kubada Cagta

0
464

Daafaca kooxda Juventus ee Andrea Barzagli ayaa xaqiijiyay in uu ka fadhiisan doono ciyaaraha kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ayaa 80 daqiiqo ciyaaray kulankii maanta ay Juventus guuldarada 2/1 ah kala kulantay kooxda SPAL laakiin waxa uu noqon doonaa 38 jir bisha dambe.

“Waxaan ka fikiray wakhti dheer waliba aniga oo uga fikiray si adag, laakiin waxa la joogaa wakhtigii saxda ahaa ee aan ka fariisan lahaa kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu  Andrea Barzagli u sheegay Sky Sport Italia.

“Marka la eego da,da aan jiro iyo dhaawacyada badan waa in aan go,aan gaadho, waxa aan iska siibi doonaa kabaha ciyaaraha bisha June, waxa aan ka fikirayaa waxa aan qaban lahaa wixii intaas ka dambeeya, sababta oo ah waan ku riyoon jiray in aan noqdo ciyaarayahn tan ilaa markii aan yaraa haatan waxa aan ka fiirsan doonaa waxa xiga”.

Wararka ayaa sheegaya in uu Andrea Barzagli ku biiri doono shaqaalaha tababarka kooxda Juventus ama uu noqon doono falanqeeye falanqeeya ciyaaraha kubada cagta Itlay.

Barzagli ayaa kooxda Juventus ku soo biiray suuqii January ee sanadkii 2011 isaga oo u soo ciyaaray kooxaha Ascoli, Chievo, Palermo Iyo Wolfsburg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here