RASMI: Bayern Munich Oo Ku Dhawaaqay Saxiixa Xiddiga Álvaro Odriozola

0
419

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Bayern Munich ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay Saxiixa Daafaca Kooxda Real Madrid ee Álvaro Odriozola Kaas oo ay Kula Soo Wareegtay Heshiis amaah ah oo ilaa Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan ah.

Daafaca Reer Spain ee Álvaro Odriozola ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis 6 Bilood ah oo uu Ku Joogi Doono Kooxda Difaacanaysa Horyaalka Bundesliga Kadib Markii ay Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich Ka Heshiiyeen Saxiixa Xiddiga.

Kooxda Bayern Munich ayaa Dookh u Haysata in ay Xiddiga Álvaro Odriozola Si Toos ah ula Wareegto Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan Hadii uu Xiddigu Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigo.

Kooxda Bayern Munich ayaa Sidoo Kale Xaqiijisay in uu Xiddiga 24 jirka ah ee Álvaro Odriozola Kooxda u Xiran Doono Lambarka No.2 Kaas oo Noqon Doona Lambarkiisa Cusub ee Kooxda Bayern Munich .ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here