RASMI: Bayern Munich Oo Iibsatay Daafaca Atletico Madrid Ee Lucas Hernandez.

0
732

Kooxda Reer Germany ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Lucas Hernandez.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay in xiddiga xulka France kula guulaystay koobka adduunku ku soo biiri doono kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Lucas Hernandez ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba daafac garabka bidix waxana uu Atletico Madrud u ciyaaray 22 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Kooxda reer Germany ayaa bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiska uu 23 jirkan kula jiray Atletico Madrid oo ahayd lacag dhan 80 Milyan oo euro.

Xiddiga ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro Bayern Munich suuqii January laakiin heshiiska ayaan dhicin sabab la xidhiidha in ay Atletico Madrid  diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here