RASMI:- Ac Milan Oo Xaqiijisay In Ay Dib Usoo Celisay Zlatan Ibrahimovic

0
336

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Ac Milan ee Dalka Talyaaniga ayaa Xaqiijisay iney Ibrahimovic Dib ugu Doo Celiyeen Kooxda isaga oo ugu Soo Biiray Kooxda Beeca Xorta ah Kadib Markii uu Dhacay Heshiiskii uu Kula Jiray Kooxda Reer America ee LA Galaxy.

Kooxda Ac Milan ayaa Bogeeda Twitter-ka ku xaqiijisay soo laabashada Zlatan Ibrahimovic iyaga oo ku soo dhigay muuqaal gaaban oo uu ciwaan u yahay “IZCOMING”.

Zlatan Ibrahimovic  ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 bilood ah oo uu ku joogi doono kooxda ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiis 2 sano oo kale ah.

Xiddiga ayaa isku Diyaarinaya inuu Tijaabada Caafimaadka u Maro Kooxda Ac Milan 2 Bisha January Kahor inta uuna Si Rasmi ah Tababarka ula Bilaabin Xiddigaha ay isku Kooxda yihiin.

Ibrahimovic oo Horay ugu Soo Ciyaaray Kooxda Wuxuuna Laf Dhabar ka ahaa Ac Milan oo uu Kula Guulaystay Horyaalka Serie A-da Xilli Ciyaareedkii 2010/2011 Wuxuu Usoo Ciyaaray Kulamo Gaarayo 32 Wuxuu Udhaliyey 28 Gool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here