RASMI: Ac Milan Oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Zlatan Ibrahimović

0
432

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Ac Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dib u soo celisay weeraryahanka Zlatan Ibrahimovic kaas oo qalinka ku duugay heshiis 6 bilood ah iyo hal sano oo dookh ah.

Xiddiga 38 jirka ah ayaa Kooxda u Xiran Doona Lamparka 21 isaga oo Si Rasmi ah ugu Baasay Tijaabada Caafimaadka Kahor inta uusan Ku Biirin Kooxda oo ay si Rasmi ah ugu Dhawaaqin.

Ibrahimovic ayaa Kusoo Laabtay Kooxda Ac Milan Kadib Markii uu isaga Tagay Kooxda Reer America ee LA Galaxy isaga oo Noqday Saxiixii ugu Horeeyay ee Kooxda Ac Milan Sameysay Bishan.

Ibrahimovic oo La Hadlaya Saxaafada Kadib Markii Lagu Dhawaaqay Heshiiskiisa ayaa yidhi”Waxa aan Horay u Sheegay in ay Ac Milan tahay Gurigayga ugu dambayna waxa aan ku soo laabtay mar kale”.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Milan waxa aan u soo ciyaaray kooxo kale sanadihii la soo dhaafay laakiin waan soo laaabtay arintaas ayaana ugu muhiimsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here