Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Ay Soo Laabanayaan Labo Kamid ah Shaxdiisa Koowaad  

0
529

Kismaayo (Waamo Radio)Tababaraha  Pep Guardiola ayaa Shaaciyay Mudada uu Daafaca Kooxdiisa ee Aymeric Laporte Garoomada Ka Maqnaan Doono Kadib Markii Qaliin Looga Sameeyay Jilibka Kadib Dhaawac Soo Gaadhay , Qaliinkan Xidiga Lagu Sameeyey Ayaa Wuxuu Qaadan Doonaa Muddo Dheer Oo Ku Dhow 5 Ilaa 6 Bilood ,

Guardiola oo arintaas ka hadlay shirkii ka horeeyay kulanka Norwich City ayaa yidhi” Aymeric Laporte ma ciyaari doono sanadkan waxa laga yaabaa in uu maqnaado 5 ilaa 6 bilood”.

Dhanka kale Guardiola oo ka hadlaya Xaalada Dhaawac ee Leroy Sane ayaa Sheegay in uu Xiddigu ku soo Laaban Doono Garoomada ka hor inta Uusan Dhammaan Sanadkan.

Leroy Sane waxa uu ku soo Laabtay Manchester si uu u Bilowdo soo laabashadiisa waxana uu soo laaban doonaa ka hor dhamaadka sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here