Mikel Arteta Dalbaday In Loo Keeno Xiddiga Joogo Kooxda Juventus Suuqa January.

0
445

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Maamulka Kooxda u Sheegay inay u Keenaan Xiddiga Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Juventus ee Adrien Rabiot Sida ay Sheegayaan Wararka Ka Imaanayo Magaalada Landan.

Laakiin Tababaraha Maurizio Sarri ayaa Si Cad ugu Sheegay Kooxda Arsenal in uuna Xiddiga Reer France iib Ka ahayn Suuqan January Meelna uusan uga Socon Kooxdiisa Bisha Dambe.

Arsenal ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay Ku Dhawdahay in ay Napoli Ka iibiso Xiddiga khadka Dhexe ee Lucas Torreira Sidaas Darteed Tababare Arteta ayaa Rabiot u arka Xiddig uu Ku Xoojin Karo Khadkiisa Dhexe Bisha January.

Laakiin Tababare Sarri ayaa Arsenal u Sheegay in uu Rabiot Wali Ku Jiro Qorshihiisa Waliba Xiddiga Ciyaarsiin Doono Qaybta Dambe ee Xilli Ciyaareedkan.

Xidiga Rabiot ayaa Juventus uga Soo Biiray Kooxda Reer France ee PSG Xagaagii Hore Kadib Markii uu Dhamaaday Heshiiskiisu Laakiin Waxa uu ilaa Haatan Ku Dhibaatoonayaa in uu Joogto ugu Ciyaaro Kooxda Reer Italia ee Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here