Mid kamid ah Ganacsatada Reer Jubbaland oo sadix Cagaf Cagaf u iibayay dad beraleey ah 

0
419
Kismaayo(Idaacada Waamo)Maxamed Bashiir oo kamid ah Ganacstada Reer Jubbaland ayaa  Bulshada ku nool Degaanka Dalsan  U iibiyay Sadix Cagaf Cagaf oo nooca beeraha lagu  lagu falo ah .
Gadiidkan loo adeeg sado falista Beeraha ayuu Ganacsaduhu ugu tala galay in beeralayda Degaanku ay si bilaash ah uga faaidaystaan .
Si Dadka deegaanku  ay usameyaan wax soo saar dhanka tabcashada Beeraha ah .
Ganacsade Maxamed Bashiir   oo kawar bixiyay  sida uu uga qaayb qadanayo hormarinta degaanka ayaa sheegay in uu  hotel Jiif ah uu horay degaanka uga hirgaliyay waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qataan hormarka degaanka .
Deegaanka Dalsan waxaa uu qiyaasti 23 km Dhanka waqooyi ay kaga beeganyahay  Magaalada Kismaayo Waxaana ka socda hormaro kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here